Home / Habka-Nolosha / Ancelotti: “Conte muusan falin indha-sarcaad – kaliya wuu dhiirranaaday.”

Ancelotti: “Conte muusan falin indha-sarcaad – kaliya wuu dhiirranaaday.”

Muqdisho – Carlo Ancelotti ayaa ku amaanay Antonio Conte dhiirrinimada uu ku hoggaamiyay kooxda Chelsea inay hanato horyaalnimada England PL.

Kulankii Jimcaha ee kooxda West Brom ay 1-0 kaga adkaadeen ayaa Blues-ka ku hoggaamiyay markii labaad muddo saddex xilli-ciyaareed gudahood ah inay ku guuleysato.

Conte ayaan bandhig aan fadhinin kula kowsaday xilli-ciyaareedka – iyada oo Chelsea ay saddex kulan badisay, midna barbar-dhac; halka laga adkaaday labo kulan shanti ciyaarood oo ay ku daah-furatay.

Hayeeshe Chelsea ayaa sameysay bandhig fiican kadib 13 kulan oo xiriir ah markii ay badiyeen.

Macalin Ancheloti kaas oo naadiga soo leyliyay sanadihii 2009 iyo 2011, ayaa rumeysan in caqliga fariidka ah ee macalin Conte uu kooxda ku hoggaamiyay hanashada koobka.

“Conte muusan sameynin indha-sarcaad, wax fiican ayuuse sameeyey.” ayuu yiri Carlo Anceloti kaas oo leyliyay Bayern Munich. “Wuxuu maareeyey inuu koryeelo fikradihiisa iyo dhiirranimada uu ku badalay naadiga markii loo baahnaa.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan