Home / Habka-Nolosha / Ancelotti oo amaanay xiddigaha Lahm iyo Alonso.

Ancelotti oo amaanay xiddigaha Lahm iyo Alonso.

Muqdisho – Maclinka kooxda Bayern Munich, Carlo Ancelotti ayaa ku amaanay  laacibiinta Xabi Alonso iyo Philipp Lahm kubbad-wanaag iyo ciyaar xirfadaysan kadib markii naadigu uu xafladda fariisigooda ku qabtay dabaal-degga hanashada horyaalka Jarmalka.

Wiilasha Ancelotti ayaa 4-1 ku dhiftay Freiburg Sabtidii shalay iyaga oo hubsaday sagootis fiican inay ku galbiyeen ruug-cadaayadan muddo ku negaa gegida Allianz Arena.

Macalin Italy ayaa amaan aan kala go’ laheyn oo la xiriirta guulihii ay gaarsiiyeen naadiga u diray Lahm iyo Alonso.

“Waxaan u dheelnay si fiican una gabagabeynay si fiican xagaagan,” ayuu yiri Ancelotti.

“Intaas kadibna waxay maalin qiira leh u tahay Alonso iyo Lahm iyo qof kasta. Waxaan rabaa inaan mahadsanid ku iraahdo labadan laacib.”

“Waxay sameeyeen wax wanaagsan, hayeeshe way naga fariisanayaan. Waana inaynu helnaa kuwo inoo badali kara boosaskooda.”

Goolal ka kala yimid xiddigaha Arjen Robben, Arturo Vidal, Franck Ribery iyo Joshua Kimmich ayaa Bayern u sahashay inay hanato guul weyn.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan