Muqdisho – Andrea Pirlo ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta isla markaana uu soo gaba gabeeyey cayaaraha.
38 jirkan ayaa shaaciyay go’aankiisa ka dib markii uu bedel kusoo galay kulankii New York City FC ee ka dhanka ahaa Columbus Crew ee lugta labaad semi-finalka MLS Eastern Conference habeenkii Axadda.
New York City ayaa 2-0 guul ah ku gaaraty garoonka Yankee Stadium, laakiin waxa ay 4-3 ku lumiyeen natiijada celcelis ahaan labada lug.
Isniintii, Pirlo ayaa Twitter-kiisa kusoo ban-dhigay inuu ka fariistay kubadda cagta.
Pirlo ayaa 116 kulan u saftay xulka qaranka Talyaaniga, isagoo ka caawiyay dalkiisa inuu ku guuleysto Koobka Aduunka 2006dii. Xiddiga khadka dhexe ayaa sidoo kale matalay kooxaha Inter, AC Milan iyo Juventus ka hor inta uusan ka dagin North America sannadkii 2015.
Waxa uu ku guuleystay labo Champions League ah intii uu ku sugnaa Milan, ka hor inta uusan afar horyaal oo isku xiga la qaadin Juventus.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.