Home / Macluumaad / Andrea “Wax taariikh ah looma hayo maalinta beenta ee 1-da April.”

Andrea “Wax taariikh ah looma hayo maalinta beenta ee 1-da April.”

Himilo FM –Meelo badan oo dunida ah sannad kasta 1-da bisha April waxaa jira dhaqan baahay oo loo yaqaan “Beenta April” taasi oo ka dhigan in dad badan u sheegaan eheladooda ama saaxiibbadooda been iyaga oo kula kaftamaya.

Iyadoo sidaasi tahay, dad qaar ma fahamsana waxa uu la xiriiro dabaal deggan ku saabsan maalinta ugu horreysa bisha April.

Maalinta beenta waxaa loo yaqaan maalinta ugu horreysa bisha April laakiin ma ahan wax dunida isku waafaqsan tahay iyadoo sheegista beenta tahay mid ka reeban qofka Muslimka ah.

Dunida aan Islaamka aheyn, waxay maalintan uga dhigan tahay in qofka been u sheego saaxiibbadiisa illaa wakhti danbe oo ah habeenka maalintaasi.

Inkastoo maalintan la xusayay qarniyo badan haddana lama hayo asalka halka laga soo minguuriyay iyadoo uusan jirin heshiis rasmi ah oo loo wada dhan yahay sida laga soo xigtay Andrea Levse oo ah taariikh yahan katirsan jaamacadda Bristol.

“ Dad badan ayaa keenay aragtida ah in maalintan uu keenay gabyaa Ingiriisi ah qarnigii 14aad laakiin ma aha wax la hubo,” ayay tiri Andrea.

Si kasta, dad badan ayaa u arka 1-da bisha April maalin la sheego beenta oo diinta Islaamka ka reebtay dadka taabacsan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan