Home / Cayaaro / Andreas Pereira oo ka tagaya Man United

Andreas Pereira oo ka tagaya Man United

Himilo – Andreas Pereira ayaa ka tagaya Manchester United inta lagu guda jiro suuq furanka xagaagan si uu u raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa u saftay Red Devils 40 kulan intii lagu guda jiray ol-olaha 2019-20 isaga oo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiyay afar kale.

24 jirka ayaa ku dhibtooday in lagu soo billaabo safka koowaad tan iyo markii uu kooxda yimid Bruno Fernandes bishii Janaayo ee tagtay.

Qandaraaska Pereira ee Man United ayaa waxaa ka harsan seddex sanno. Sida laga soo xigtay Goal, cayaaryahanka reer Brazil ayaa ka tagaya kooxda xagaagan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan