Home / Cayaaro / Antonio Cassano “Messi waa uu ka sarro maray Diego Maradona.”

Antonio Cassano “Messi waa uu ka sarro maray Diego Maradona.”

Himilo – Weeraryahankii hore ee Real Madrid Antonio Cassano ayaa tilmaamay in  Lionel Messi uu ka sarro maray Diego Maradona si uu u noqdo laacibkii ugu wanaagsanaa taariikhda.

Messi ayaa ku guuleystay koob kasta oo suuragal u noqday laakiin dad badan ayaa aaminsan in aan wali lala barbar-dhigi karin Maradona oo ku guuleystay koobka adduunka.

Cassano ayaa rumeysan in joogteynta laacibka 32 jirka ah ee muddo dheer inay geynayso meel sarre.

“Maradona waxa uu sameeyay wax aan horay loo arag muddo afar ama shan sanno ah laakiin Messi waxa uu sameeyay isla sidaasi muddo 15 sanno ah,” ayuu Cassano u sheegay wargeyska Corriere dello Sport.

Waxa uu intaa raaciyay “Waxa uu dhaliyay 710 gool isaga oo caawiyay 300 kale. Marka uu cayaarayo, waa inay ku billaabataa 1-0, dadka taageersan Maradona waa inay aqbalaan in uu jiro qof meesha ka saaray.”

Messi ayaa kula guuleystay Barcelona 33 koob oo ay ku jiraan 10 La Liga ah iyo afar Champions League.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan