Home / Habka-Nolosha / Antonio Conte: “Alvaro Morata wuxuu u baahan yahay waqti.”

Antonio Conte: “Alvaro Morata wuxuu u baahan yahay waqti.”

Muqdisho – Macalinka Chelsea, Antonio Conte ayaa carabaabay in ciyaaryahanka dhawaan-galka ah ee Alvaro Morata uu u baahan yahay waqti si uu ula qabsado kooxdiisa cusub ee Chelsea.

24 jirkan heerka caalami ayaa kusoo biiray Blues-ka isaga oo ugu yimid lacag rikoor ah Real Madrid xagaagan.

Spanish-kan ayaa sameeyay soo muuqashadiisii ugu horreysay kulan rasmi ah maalinta shalay oo kama danbaysta koobka Community Shield ay ku wajaheen kooxda Arsenal, laakiin ma’aysan noqon soo bilaabasho farxad leh, wuxuu lumiyay kubad gool-kullaad aheyd oo lagu aaaminay isaga, Chelsea ayaana markaas la kulantay qasaaro 4-1 ah.

Morata ayaana dhaleeceyn kala kulmay bandhiggiisa Community Shield, hayeeshee Conte ayaa ku baaqay in dulqaad loo muujiyo isla markaana la sugo ciyaaryahanka.

“Morata wuxuu u baahan yahay in uu shaqeeyo, waa wax caadi ah wuxuu inala joogay hal toddobaaad oo kaliya,” ayuu yiri.

“Wuxuu u baahanyahay waqti, waxayna isku mid yihiin Antonio Rudiger iyo Tiemoue Bakayoko.”

Blues-ka ayaa bilaabi doonta difaacashada horyaalka maalinta galabta Sabtiga ah kulan ay wajihi doonaan Burnley.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan