Home / Habka-Nolosha / Antonio Conte”Ma Hurdin Labo Habeen,”.

Antonio Conte”Ma Hurdin Labo Habeen,”.

Tababaraha  Kooxda Chelsea  Antonio Conte , ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisa  hab ciyaareedkeeda la wanaajin doono.

antonio-conte-cropped_oanu20m4o5al1jtrrzcj4ug7z

http://radiohimilo.so

Antonio Conte ayaa waxa uu warkan ka soo yeeray ka dib guuldaradii  Arsenal ay huwisay Axadii 24 Bishan 2016.

“Waxaa nagu waajib ah inaan wax badan ka bedelno kooxda,waxaana dooneynaa inaan gaarno meel sare, ma rabno meel dhexe,” sidaa waxaa laga hayaa Mr Conte.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay Antonio Conte in uusan seexan doonin si aysan ugu dhicinmid lamid ah guul daradii ka soo gaartay Arsenal.

“Ma Hurdin Labo habeen ,” Sidaa waxaa hadalkiisa sii raacsaday Antonio Conte oo wajigiisa uusan fiicneyn.

“Aad baan u xanaaqay markii ciyaarta ay socotay balse waxa aan door biday inaan is xakameeyo sababtoo ah xeerar ayaan jira,”.

Sidooo kale caradeyda marka laga tago waxaa kale oo xanaaqsanaa ciyaaryahanada kooxda kumaanan qanacsaneyn bandhigeeda ciyaarta.

“Waa inaan helaa xal wanaagsan oo deg deg ah sababtoo ah ciyaartii Arsenal aan uga soo horjeednay waxa aan ciyaarnay ciyaar xun,”.

Ciyaartii Ugu dambeysay ee Chelsea iyo Arsenal ku dhex martay Garoonka Emirates Stadium ayaa Chelsea hankeeda hoose u dhigtaymarkii afka laga giliyay 3-0.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan