Home / Cayaaro / Antonio Rudiger Oo Si Shaqsi Ah Ugu Hanjabay Erling Haaland Ka Hor Kulanka Caawa Ee Champions League

Antonio Rudiger Oo Si Shaqsi Ah Ugu Hanjabay Erling Haaland Ka Hor Kulanka Caawa Ee Champions League

Antonio Rudiger ayaa qirtay inuu dagaalka uu la geli doono Erling Haaland kulanka Madrid ka dhacaya caawa ee Champions League uu noqon doono mid shaqsiyadeed.

Daafaca Real Madrid Rudiger ayaa wajihi doona howsha ah inuu celiyo Haaland marka ay Man City booqato Real Madrid kulanka lugta hore ee wareega 8da Champions League.

Daafaca adag ee Jarmalka ayaa aamusiyay Haaland lugtii hore ee semi-finalka markii ay labada kooxood ku kulmeen Bernabeu xilli ciyaareedkii hore.

Rudiger ayaa markaas ka dib laga saaray lugta labaad iyadoo City ay 4-0 ku xasuuqday Real Madrid islamarkaana ku guuleysatay markii ugu horeysay Champions League.

Sidaasi darteed Rudiger ayaa sugi weysan inuu mar kale ka horyimaado Haaland, isagoo kalsooni ku qaba inuu aamusin doono mar kale xiddiga Man City.

Rudiger ayaa yiri: “Ciyaar fiican ayay aheyd kulankii Bernabeu ee sannadkii hore. Dhamaanteen shaqo fiican ayaan qabanayo oo aan ku aamusinay habeenkaas Haaland. Si fiican ayaan u koontaroolnay kubada. Haaland wax badan ma uusan taabanin kubada.

“Haatan ciyaartaas, qorshuhu waa inaan sameyno sida sannadkii hore, inaan isku dayno inaan koontaroolno ciyaartoyda halista ah sida Haaland. Iska horimaadka aniga iyo Haaland waxaan u qaadan doonaa si shaqsi ah.”

Kooxdii wareega 8da ka soo gudubta Real Madrid iyo Manchester City, waxay semi-finalka isku dhici doonaan midkood kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich oo iyagana caawa ciyaaraya lugta hore ee wareega sideed dhamaadka.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan