Home / Dhaqaale / Apple oo wax ka badalaysa sicirka taleefankeeda Iphone-ka

Apple oo wax ka badalaysa sicirka taleefankeeda Iphone-ka

Himilo FM –Madaxa shirkada Apple Tim Cook ayaa sheegay in shirkada dhimayso kharashaadka ascaarta taleefanka Iphone-ka meelo badan oo dunida ah si loo dhiira geliyo heerka wax iibsiga.

Faa’iidada ka soo xaroota taleefanka Iphone-ka oo ah halka ugu badan oo ay ka timaado faa’iidada shirkada oo dhan ayaa hoos u dhacday 15% sida ay muujiyeen xogaha soo baxay dhawaan.

Guud ahaan, faa’iidada shirkada ayaa hoos u dhacday 5% iyadoo noqotay 84.3 Bilyan oo doolar, waxaana shirkada ay goor sii horreysay u digtay kooxaha maal-geshiga iyadoo ku wargelisay inay faa’iidada ka yaraan doonto sida la filayay.

Waxaa loo tiirinayaa arrintan hoos u dhaca dhaqaalaha Mareykanka hase ahaatee madaxa fulinta shirkada Apple ayaa xusay in macaamiisha aysan xamili karin ascaarta sarreysa ee taleefanka IPhone-ka.

Waxa uu intaa raaciyay in lacagta doolarka ay saameyn taban ku yeelatay ganacsiga shirkada ee suuqyada soo koraya.

Xilligan, sida ku cad bogga Apple ee rasmiga ah, taleefanka iPhone Xs ayaa ku fadhiya qiimo dhan 999 doolar gudaha Mareykanka halka uu suuqyada kale ka joogo qiimo ka agdhaw.

Mr Cook waxa uu sheegay in shirkada billowday inay dib u qiimeyso ascaarta taleefanka iyadoo lagu miisaamayo saameynta isbadalka lacagaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan