Muqdisho – Halkan ka aqriso wararkii ugu danbeeyey ee suuqyada ciyaaraha qaaradda Yurub.
Macalinka United-ka ayaa 160G kula dhaqaaqaya dhinacaas iyo weeraryahannada Lukaku iyo Griezmann si ay uga dhinac ciyaaraan laacibka Zlatan Ibrahimovic, marka loo eego The Sun.
Mourinho ayaa ka dhaadhicinaya Ibrahimovic in xilli kale oo dheeri ah uu sii joogo garoonka Old Trafford.
Geesta kalana, United-ka ayaa ku biirtay loolanka loogu jiro xiisaha helitaan ee laacibka Alvaro Morata kaas oo ku sugan Real Madrid, marka loo eego CalcioMercato.
Walina tiiyoo laacibkan la maleynayo inuu ka dhaqaaqayo gegida Santiago Bernabeu, United-ka ayaa ku han weyn saxiixiisa.
Dhinaca kalana, kooxda Atletico Madrid ayaa laacibkan Febregus ka dhigatay bartilmaameedkeeda koobaad oo xagaaga soo socda ay lasoo wareegayso, marka loo eego Eurosport.
Kooxda Rojiblancos ayaa aad ugu heelan fursad siinta laacibkii hore ee Arsenal kaas oo bandhigyadiisa oo yaraaday awgeed ku dhacay in looga yeero xulka qarankiisa Spain.
Dalka Talyaaniga haddii aynu eegnana – kooxda Inter Milan ayaa adduun gaaraya €70 million ku doonaysa laacibka kooxda Monaco Kylian Mbappe, marka loo eego Fox Sports Italia via Football Italia.
Naadiga Nerazzurri ayaa la dhacsan saameynta da’yarkani ka sameynayo kooxdiisa, waxayna u aragtaa lammaanaha ugu mudan ee ka dhinac ciyaari kara laacibkooda Mauro Icardi.
Beautiful deign and plenty of enjoyable. Ꮃith
the majority of mobile gamees Ӏ’Ԁ liie to see microtransaction cosxts decreased ɑnd rewards increased.
Buying in-game items ѕhould alԝays be considerеd an option, аnd
ѕhould never Ьe cօnsidered to be а necessity. An OК
alternative would ƅе tһe option of allowsing mоre thɑn 1 prize box timer tօ be active ɑt a tіme.
Otherᴡise, a grеat game. I play it all the timе.