Home / Habka-Nolosha / Arda Turan oo dib ugu laabtay dalka Turkiga kuna biiray kooxda Istanbul Basaksehir FK.

Arda Turan oo dib ugu laabtay dalka Turkiga kuna biiray kooxda Istanbul Basaksehir FK.

Muqdisho – Ciyaar-yahanka qadka dhexe ee dalkaTurkiga Arda Turan ayaa ka baxay albaabka Camp Nou isaga oo dib ugu laabtay waddankiisa hooyo, heshiis amaah ah oo ku eg illa 2020-ka.

Barcelona ayaa xaqiijisay in Arda Turan uu ugu biirayo Istanbul Basaksehir Fk qaab amaah ah oo ku eg illa 2020-ka.

Kubbad sameeyahan 30-jirka ah ayaa dib ugu ugu laabtay Turkiga, kadib markii uu ku guuldareystay in uu safto hal kulan isaga oo ka hoos ciyaaraya  Ernesto Valverde xagaagan.

Kulan la’aanta wajahday laacibkan ayaa soo dadajiyay in uu ka baxo albaabka godka naarta ee Camp Nou isla markaana uu kubiiro naadiga Istanbul Basaksehir.

FC Barcelona iyo Istanbul Basaksehir FK ayaa ku heshiiyey in qaab ahaah ah ciyaar-yahanka Turkiga ah  uu ugu biiro kooxda Basaksehir FK inta ka dhiman Xilli ciyaareedkan laguna darayo labo sano oo dheeraad ah.

55 Kulan Iyo 6 Koob.

Arda Turan ayaa u ciyaaray dhamaan 55 kulan Barça, wuxuu kooxda u dhaliyey 15 gool labo sano iyo bar uu ku sugnaa blaugrana. Waqtigaas wuxuu ku guuleysatay Lix koob: 1 league championship, 2 Copa del Rey, 1 Spanish Super Cup, 1 Club World Cup iyo 1 European Super Cup. Arda aya noqday ciyaaryahan FC Barcelona ah xilli ciyaareedkii 2015 isaga oo ka yimid  Atlético Madrid.

 

W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.

Cabdicaziiz149@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan