Himilo-Madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa saxiixay sharci xaddidaya isticmaalka taleefannada casriga ah ee dugsiyada. Tallaabadan ayaa saameyn doonta ardayda dhigata dugsiyada hoose iyo sare ee waddanka Koonfur Ameerika laga bilaabo bisha Febraayo. Sharciga ayaa u ongolaanaya ardada inay isticmaali karaa Taleefanada xilliyo gaar ah, sida xaaladaha degdegga ah, ujeeddooyin waxbarasho, ama haddii ay naafonimo qabaan oo ay u baahan yihiin inay isticmaalaan.
Wasiirka Waxbarashada, Camilo Santana, ayaa sheegay in carruurtu ay isticmaalka internet-ka ay bilaabaan iyagoo da’ yar ah, taas oo ka dhigaysa mid adag in waalidiintu la socdaan. Sharcigan waxa uu helay taageero dhif ah oo ka timid dhamaan dhinacyada siyaasadeed, oo ay ku jiraan xulafada madaxweyne Lula ee bidixda iyo mucaaradka garabka midig ahna madaxweynihii hore Jair Bolsonaro.0