Home / Habka-Nolosha / Argantina oo ciyaareysa kulankii ugu muhiimsanaa isreeb-reebka Koobka Aduunka marka loo fiiriyo kulamdeeda.

Argantina oo ciyaareysa kulankii ugu muhiimsanaa isreeb-reebka Koobka Aduunka marka loo fiiriyo kulamdeeda.

Muqdisho – Kooxda qaranka Argentina ayaa u dagaalami doonta sidii ay qeyb kaga noqon laheyd kooxha ka qeyb galay koobka aduunka ee ka qabsoomi doona  Russia 2018,waxayna loolan adag kala kulmi doontaa ilaa iyo shan xul oo dhamaantood ka cararaya sidii ay Ply Off la’aan ku aadi lahaayeen koobka sumcadda.

Argentina ayaa kulan u muhiim ah la ciyaari doonta xulka qaranka Peru oo ay taariikh cajiib ah isku leeyihiin marka ay noqoto isreeb reebka koobka aduunka.

Kooxda uu horboodayo bidixlaha cajiibka ah ee Messi ayaa si weyn ugu soo dhibaatooday isreereebkan, waxeyna fadhiyaan kaalinta shanaad iyag oo leh 24 dhibcood, xulalka Peru oo ay isku dhibco yihiin iyo  Colombia oo labo dhibcood ka sareysa ayeyna cerysi ugu jirtaa Argantina.

Marka laga soo tago kulankan caawa ee Argantina iyo Peru, 10 ka bishan ayey markale Peru ku dhici doontaa Colombia natiijo waliba ee kasoo baxda kulankaas ayaa noqon doonta mid ka farxisa Argantina waase haddi ay labada kulan ee Peru iyo Ecuador soo adkaadaan.

Kulankan waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka Boca Juniors ee La Bombonera oo ku yaala caasimadda Argatina ee  Buenos Aires..

Jorge Sampaoli kooxdiisa waxaa ka maqnaan doona weeraryahanka Sergio Aguero waliba labada kulan ee Peru iyo Ecuador ayuu seegi doonaa.

Xiddiga Manchester City ayaa todobadki lasoo dhaafay galay shil gaari mar uu ku sugnaa caasimadda Holland ee  Amsterdam.

W/Q Abdi Aziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan