Home / Dhaqaale / Arrin ku khuseysa haddii aad ku safarto diyaaradaha!

Arrin ku khuseysa haddii aad ku safarto diyaaradaha!

Himilo FM –Waxa uu diyaaradda ka soo raacay Seattle isaga oo ku socda Oslo hase ahaatee markii uu gaaray Frankfort waxa uu ka tagay garoonka isaga oo faarujiyay booskiisa diyaarada.

Inta badan waxaa sameeya sidaasi rakaabka doonaya inay helaan tikityo jaban, waxayna u muuqataa inay fududahay waayo waxa uu ninka bixiyay lacagta tikitka isaga oo xaq u leh inuu sii wato safarkiisa ama uu joojiyo laakiin shirkada Lufthansa way qaadan weyday inay aqbasho sidaasi.

Waxay dacwad ku soo oogtay qofka rakaabka ah ee falkaasi ku kacay, waxayna ku eedeysay tuuganimo iyo inuu qorsheystay in uu ka faa’iideysto ascaarta jaban ee safarada dhaadheer.

Warqadaha dacwada maxkamada ayaa muujiyay in qofka rakaabka ah uu badalay socdaalkiisa Oslo isaga oo ku hakaday Frankfort islamarkaana diyaarad kale u raacay Berlin.

Shirkada waxay tilmaamtay in falka rakaabka xadgudub ku yahay shuruucda u dagsan sidaa darteed, waxay ka dalbatay inuu bixiyo magdhaw ku kacaya 2385 oo dooalar.

Maxkamad ku taalla Berlin ayaa diiday dacwadda bishii December ee sannadkii hore hase ahaatee shirkada ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan