Home / Cayaaro / Arsenal iyo Chelsea oo ku dagaalamaya saxiixa Umtiti

Arsenal iyo Chelsea oo ku dagaalamaya saxiixa Umtiti

Himilo – Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isu diyaarinayaan saxiixa daafaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Barcelona ayaa u furan inay iibiso laacibka Faransiiska kahor ol-olaha 2020-2021-ka. Si kasta, marka la eego Mundo Deportivo, Arsenal iyo Chelsea ayaa labaduba diyaar garow ugu jira saxiixa cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka sannadkii 2018-ka.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in daafaca bartilmaameed u ahaa Gunners halka kooxda Frank Lampard isku dayday saxiixiisa xagaagii la soo dhaafay.

Kooxda reer Catalan ayaa ku qiimeynaysa Umtiti adduun dhan £46 Milyan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan