Home / Cayaaro / Arsenal iyo Chelsea oo u dagaalamaya weeraryahan katirsan Napoli

Arsenal iyo Chelsea oo u dagaalamaya weeraryahan katirsan Napoli

Himilo -m Kooxaha horyaalka Ingiriiska ee Arsenal iyo Chelsea ayaa wali xiiseynaya saxiixa weeraryahanka Napoli Dries Mertens.

Labada kooxood ayaa lala xiriiriyay cayaaryahanka suuq furankii bishii Janaayo xilli 32 jirka uu guda galay lixdii billood ee ugu danbeysay qandaraaskiisa.

Mertens ayaan wali qalinka ku duugin heshiis muddo kordhin ah oo uu u sameeyo kooxda uu leyliyo tababare Gennaro Gattuso, taasi oo ka dhigan in heshiis xur ah lagula wareegi karo kahor ol-olaha 2020-21.

Manchester United ayaa si weyn loola xiriiriyay laacibka qaranka Belgium laakiin marka la eego Gazzetta dello Sport, Arsenal iyo Chelsea ayaa u dagaalamaya saxiixa cayaaryahanka.

Mertens ayaa dhaliyay 12 gool isaga oo caawiyay lix kale 29 kulan oo uu u saftay Napoli xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan