Home / Cayaaro / Arsenal iyo Chelsea oo xiiseynaya laacib ay leedahay Bournemouth

Arsenal iyo Chelsea oo xiiseynaya laacib ay leedahay Bournemouth

Himilo- Kooxda AFC Bournemouth ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigi doonto garabka Ryan Fraser qandaraas culus oo qiimihiisu dhan yahay 100,000 kun ginni isbuucii si looga hor tago xiisaha Arsenal iyo Chelsea.

25 jirkan ayaa toddobo olole ku qaatay garoonka Vitality Stadium, isagoo u saftay 37 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuuna dhaliyay 7 gool.

Qandaraaska Fraser ee Bournemouth ayaa dhacaya xagaaga soo socda, taasoo la micno ah inuu ciyaaryahanka kaga tagi karo kooxda si xor ah.

Sida laga soo xigtay 90min, Cherries waxay aad ugu baahan yihiin inay sii hayaan Fraser, waxayna u soo bandhigi doonaan Scot-ka heshiis cusub oo ay kaga horjoogsadaan kooxaha Premier League ee xiiseynaya.

Fraser ayaa lagu soo waramayaa inuu soo jiitay xiisaha kooxaha Arsenal, Chelsea, Everton iyo Wolverhampton Wanderers xagaagii.

Wadahadalada qandaraas ee u dhaxeeya Bournemouth iyo Fraser ayaa in muddo ah socday, iyadoo kooxda ay xaqiijisay bishii Juun in wadahadalada la hakiyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan