Himilo FM –Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga Corriere Dello Sport, AS Roma ayaa diyaar u ah inay iibiso xiddigooda Cengiz Under.
21-jirkan ayaa bartilmaameed u ahaa kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Arsenal.
Xiddiga reer Turkiga ayaa ahaa xiddig wax ku ool ah oo kasoo muuqday kooxda Roma isagoo dhaliyay lix gool, waxaana uu sidoo kale sameeyay sagaal caawin 25 kulan oo uu u saftay kooxda Serie A xilli ciyaareedkan.
AS Roma ayaa bixisay qiimo lacageed oo dhan 13-14 Milyan oo Euro iyaga oo kasoo qaatay kooxda reer Turki ee Istanbul Basaksehir.
Tan iyo markaas da ‘yarkan ayaa 57 kulan u saftay La Lupa isagoo dhaliyay 14 gool isla markaana wuxuu abuuray 11 caawin.
Kooxaha reer Yurub ayaa xiiseynaya ciyaaryahanka, naadiga Gunners ayaa horey dalab ugu gudbisay garabkan bishii Janaayo.
Kooxda Eusebio Di Francesco ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Serie A, iyadoo seddex dhibcood ka hooseysa kooxda kaalinta 4aad ee Inter Milan.
Arsenal, Manchester United iyo Bayern Munich ayaa baadi goob ballaaran ugu jira da’yarkan tan iyo markii uu soo xirmay suuqii ugu danbeeyay.