Muqdisho – Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa lasoo warinayaa in ay diiwaan galiyeen xiisaha ay u qabaan difaaca naadiga West Bromwich Albion ee Jonny Evans.
Intii lagu guda jiray xagaagii dhamaaday, labada kooxood ayaa ku fashilmay in ay lasoo wareegaan difaaca reer Northern Ireland, hayeeshee dhibaatada difaac ee heysata labadaan kooxood ayaa ku qasbeysa in ay lasoo wareegaan laacibkan bishan January.
Evans hadda waxa uu kamid yahay naadiga West Brom oo qatar ugu jirta in ay dib ugu laabato horyaalka heerka hoose, hayeeshee sida ay warineyso BBC Sport, laba kooxood ee Gunners iyo City ayaa baaqi kusii ah doonista laacibkan waxeyna doonayaan in ay ku xoojiyaan difaac-yadooda.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda Arsenal ay diyaarineso Mathieu Debuchy isla markaana ay qeyb kaga dhigeyso heshiika ay ku qaadanayaan laacibka heerka caalami ee Jonny Evans.
City ayaa laga yaabaa in ay iyana diyaar la tahay lacag kaash ah isla markaana tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu soo xera galiyo laacibkii hore ee Man Utd una suura galiyo in uu mar-kale ka ciyaaro magaaladii uu kusoo barbaaray ee Manchester.
W/Q Abdi Aziz Adan Urur
Cabdicaziiz149@gmail.com