Home / Cayaaro / Arsenal oo bartilmaameed ka dhiganaysa Lozano

Arsenal oo bartilmaameed ka dhiganaysa Lozano

Himilo FM – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso  saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven xiddiga lagu magacaabo Hirving Lozano.

Lozano ayaa qeyb ka ahaa xulkii Mexico ee koobkii dunida 2018 ee ka dhacay Russia, laacibkaan ayaa dhaliyay 15 gool iyo sagaal caawin 27 kulan oo uu kasoo muuqday PSV xilli ciyaaredkan.

Waa mid kamid ah kooxaha Premier League ee lala xiriirinayo 23jirkan laakiin sida ay werisay TMW, Arsenal ayaa isu diyaarineysa inay u adeegsadaan xagga weerarka.

Gunners ayeay u badan tahay inay u dhaqaaqaan Lozano bishan laakiin warar ayaa sheegaya in kooxda caasimadda ay diyaarineyso 27 Milyan oo Gini oo ay ku baadi goobayaan ciyaaryahankan.

Napoli ayaa sidoo kale si xooggan loola xiriirinayaa,  Lozano ayaa qandaraaskiisa PSV uu dhici doonaa 2022-23.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan