Arsenal oo Chelsea kaga horreysa la saxiixashada Mateo Kovacic

Himilo FM –Arsenal ayaa u muuqata inay ka horreyso Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Mateo Kovacic.

Blues ayaa heshiis ammaah ah kula soo wareegtay Kovacic xagaagii hore, Maurizio Sarri ayay u badan tahay in uu sii ilaashado saxiixa xiddiga heerka caalami ee Croatia haddii uu sii joogayo Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Ladbrokes, Arsenal ayaa ugu cad cad inay heshiis la gaarto Kovacic ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo aadan. Arsenal ayaa dooneyso in ay ku beddesho Aaron Ramsey.

Kovacic ayaa weli heystaa labo sanno oo kaga hartay qandaraaskiisa Real, laakiin soo laabashada Zinedine Zidane ayay u badan tahay in uu u horseedi doono kooxda reer Spain inay raadiso lacag kaash oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan