Home / Cayaaro / Arsenal oo dalab ammaah ah ku dooneysa Jerome Boateng

Arsenal oo dalab ammaah ah ku dooneysa Jerome Boateng

Himilo – Kooxda Arsenal ayaa la soo warinayaa inay u dhaqaaqi karto daafaca kooxda Bayern Munich Jerome Boateng oo ay ku doonayaan heshiis ammaah ah.

Xilli uu Calum Chambers soo gaaray dhaawac, tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa xiiseynaya in uu beddal keeno kooxda kahor dhammaadka suuq furanka bishan.

Sida laga soo xigtay Daily Star, kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo Boateng oo loo oggolaan karo ka tagista garoonka Allianz Arena.

Ciyaaryahanka qaranka Jarmalka oo horay ugu soo ciyaaray Man City ayaa la tilmaamayaa inuu diyaar u yahay ku biirista koox cusub oo ka baxsan horyaalka Bundesliga.

Inkasta oo qandaraaska Boateng uu ka harsan yahay 18 billood haddana looma badinayo in Arsenal ay ku dooneyso heshiis joogto ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan