Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay saxiixa daafaca Flamengo ee Pablo Mari oo ay kula soo wareegayso heshiis ammaah ah.
Cayaaryahanka reer Spain ayaa dhawaan u safray England iyada oo loo arkay in uu heshiis u saxiixayo Gunners laakiin ka hadalka heshiiska ayaa hoos u dhacay markii cayaaryahanka uu ku laabtay Brazil horraantii toddobaadkan.
Marka la eego Globoesporte, kooxda tababare Mikel Arteta ayaa markii hore oggolaatay heshiis ku kacaya £7.5 Milyan oo ay kula soo wareegayaan daafaca balse hadda waxay ku doonayaan £4.2 Milyan.
Daafaca ayaa heshiis kula jiray Manchester City intii u dhaxaysay sannadihii 2016 iyo 2019-ka laakiin ma uusan ka soo muuqan kooxda koowaad.
Pablo Mari ayaa muhiim u ah kooxda Flamengo oo uu ka caawiyay inay gaarto koobka kooxaha qaaradaha caalamka ee Club World Cup.