Home / Cayaaro / Arsenal oo diyaarineysa heshiiska qandaraaska cusub ee Aubameyang

Arsenal oo diyaarineysa heshiiska qandaraaska cusub ee Aubameyang

Himilo – Arsenal ayaa diyaarineysa warqadaha heshiiska cusub ee cayaaryahanka Pierre-Emerick Aubameyang sid ay tilmaamayaan warbixinno.

Inkasta oo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay muddo ka yar sannad, haddana cayaaryahanka reer Gabon ayaa qalinka ku duugaya heshiis cusub oo uu la galo Gunners.

Si kasta, sida laga soo xigtay Daily Mail, labada dhinac ayaa doonaya in ay gaaraan heshiis lagu wada qanacsan yahay.

30 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxo badan sida Barcelona iyo PSG laakiin waxay u muuqataa in Arsenal dooneyso in ay ceshato laacibkeeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan