Home / Cayaaro / Arsenal oo doonaysa daafac waydiistay Real Madrid in uu ka tago

Arsenal oo doonaysa daafac waydiistay Real Madrid in uu ka tago

Himilo –Arsenal ayaa ku jirta tartanka loogu jiro saxiixa Marcelo iyadoo daafaca dambeedka biddix ee reer Brazil uu weydiistay inuu ka tago Real Madrid, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain.

31 jirkan ayaa 13 xilli ciyaareed ku qaatay Madrid isagoo kula guuleystay afar horyaal oo La Liga ah iyo Champions League afar jeer.

Laakiin booskiisa Zinedine Zidane ayaa haatan halis galaya ka dib markii Madrid ay dhameystirtay saxiixa daafaca dambeedka biddix ee xulka Faransiiska Ferland Mendy oo heshiis 47 milyan ginni uga soo wareegay Lyon.

Sida laga soo xigtay Sport, Marcelo ayaa doonaya inuu ka tago Madrid xagaagan isagoo helay dalabyo dhowr ah, wakiiladiisa ayaana wadahadalo kula jira madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay ka mid tahay kooxaha doonaya inay la saxiixdaan Marcelo, laakiin Gunners ayaa tartan adag la kulmi doonta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan