Home / Cayaaro / Arsenal oo dooneysa daafaca kooxda Real Betis

Arsenal oo dooneysa daafaca kooxda Real Betis

Himilo FM Arsenal ayaa xaqiijisay in daafaca Real Betis Aissa Mandi inuu yahay bartilmaameedkeeda suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa rajeyneysa inay xoojiso daafaceeda  inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, xilli ay ka dhaawacmeen Rob Holding iyo Hector Bellerin oo mudda dheer seegaya.

El Desmarque ayaa soo warisay in maamulaha Unai Emery uu haatan ka dhigay Mandi  mid ka mida  ah mudnaanta ugu sareysa ee uu suuqa ka doonayo  xilli ciyaareedkan, kadib bandhigiisa wacan ee uu xagaan sameeyay.

27 jirkan ayaa 27 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan oo uu ku jiro 20 kulan oo La Liga ah maadaama Betis ay mar kale ku riixeyso inay ku soo laabato tartanka Europe oo ay hadda qeyb ka tahay wareegga 32-da kooxood.

Arsenal ayaa keliya awoodi karta inay heshiis ammaah ah kula soo wareegto bishan, Betis ayaana u muuqata inay u oggolaaneyso Mandi  kaliya in uu kaga baxo si rasmi ah.

Xiddiga Algeria waxaa lagu qiimeeyaa € 30m (£ 26m), taasoo la micno ah in Arsenal ay qasab ku tahay inay sugaan illaa xagaaga ka hor inta aysan wadahadal furin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan