Himilo- Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay udhaqaaqi doonto Saint-Etienne si ay ugala wareegto William Saliba.
Horaantii sanadkaan, Arsenal ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso daafaca dhexe dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo la siinayay 12 bilood oo dheeri ah oo uu ugu ciyaaro kooxda koowaad ee Ligue 1.
Si kastaba, waqti uu 18 jirkaani keliya toddobo kulan u saftay kooxda Faransiiska, Arsenal ayaa donaysa in ay ka faa idaysato da’yarkan.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Gunners ayaa diyaar u ah inay wadahadalo la gasho si ay u keento garoonka Emirates Stadium bilowga sanadka 2020.
In kasta oo dhaawac uu soo gaaray Calum Chambers wuxuu u muuqdo inuu kiciyay fikirkan, Tababaraha cusub ee Mikel Arteta ayaa sidoo kale doonaya inuu la shaqeeyo da’yarka sida ugu dhaqsaha badan.
Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 12aad ee kala horeynta horyaalka Premier League, iyadoo 11 dhibcood ka dambeysa afarta sare.