Home / Cayaaro / Arsenal oo dooneysa khad dhexe katirsan Porto

Arsenal oo dooneysa khad dhexe katirsan Porto

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameed ka dhiganeyso khadka dhexe ee kooxda Porto Danilo Pereira suuq furanka xagaaga.

Iyada oo Matteo Guendouzi ka tagayo garoonka Emirates Stadium, Mikel Arteta ayaa ka fekeraya beddalka 21 jirka.

Sida laga xigtay ESPN, kooxda ka cayaarta horyaalka Ingiriiska ayaa qorsheynaysa inay ku dhawaato Pereira oo sameynayay bandhig wanaagsan tan iyo sannadkii 2015-ka.

Wadar ahaan, 28 jirka ayaa dhaliyay 14 gool 166 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Pereira lagu heli karo adduun dhan £18m.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan