Home / Habka-Nolosha / Arsenal oo doonisteeda Lemar cusboonaysiinaysa.

Arsenal oo doonisteeda Lemar cusboonaysiinaysa.

Muqdisho – Arsenal ayaa u jihaysanaysa cusboonaysiinta heshiiska ay kusoo xera-gelin karto laacibka Thomas Lemar oo kooxda Monaco u ciyaara xagaaga soo aadan, marka loo eego Jariiradda The Mirror.

Kooxda lagu naaneyso Gunners-ka ayaa bishii August ku fashilantay inay adduun dhan £90 million kula soo wareegto xiddigan – kaas oo haddii uu xaqiiqoobi lahaa hanashadiisa noqon lahaa laacibkii ugu qaalisanaa oo kooxda lasoo wareegto taariikhda la hayo.

Hayeeshe hanka kooxdu wali wuxuu u muuqda inuusan liciifin. In kasta oo laga yaabo inay loolan adag kula galaan Barcelona iyo Liverpool saxiixa Lemar sanadka 2018-ka, hadana Gunners-ka waxay juhdi adag gelinaysaa si ay kaga guuleysan lahayd.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan