Home / Cayaaro / Arsenal oo heshiis wakhti dheer ka saxiixaysa Bukayo Saka

Arsenal oo heshiis wakhti dheer ka saxiixaysa Bukayo Saka

Himilo – Arsenal ayaa la soo warinayaa inay guul weyn ka sameysay wadahadallada ku saabsan heshiis laga saxiixo cayaaryahanka Bukayo Saka.

Inkasta oo 18 jirka uu iska dhigay cayaaryahan muhiim ah xilli cayaareedkan, haddana qandaraaskiisa ayaa waxaa ka harsan muddo 12 billood ah.

Isaga oo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiyay sagal kale ayaa ka dhigtay cayaaryahan soo jiitay kooxo tiro badan.

Si kasta, The Athletic ayaa soo warineysa in laacibka da’da yar uu ku farraxsan yahay in uu saxiixo heshiis wakhti dheer uu ku joogayo garoonka Emirates Stadium.

Warka Saka ayaa ku soo aadaya xilli kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay shaachisay inay heshiisyo cusub ka saxiixday David Luiz, Cedric Soares iyo Pablo Mari.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan