Himilo FM– Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay Liverpool kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Thorgan Hazard xagaagan.
25 jirkan oo ah walaalka xiddiga Chelsea ee Eden Hazard ayaa dhaliyay 12 gool, waxa uu sidoo kale caawiyey 11 gool 31 kulan oo uu u saftay Gladbach xilli ciyaareedkan.
Liverpool iyo Borussia Dortmund labadoodaba si weyn ayaa loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Belgium.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa ah taageeraha weyn ee Hazard iyadoo Gunners ay si dhaw u daawaneyso xaaladiisa ka hor xilli ciyaareedka 2019-2020.