Home / Habka-Nolosha / Arsenal oo ku dhow soo xera-galinta Pierre-Emerick Aubameyang

Arsenal oo ku dhow soo xera-galinta Pierre-Emerick Aubameyang

Muqdisho –  28-sano jirkan ayaa qarka u saaran inuu noqdo saxiix rikoor ah oo yimaada Gunners kaliya shan bilood kadib markii uu naadiga yimid Alexandre Lacazette.

Arsenal ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang oo ka imaanaya Borussia Dortmund kadib markii ay kooxdu heshiis kula gaartay 55 milyan oo euro.

Aubameyang, oo 28 sanno jir ah, ayaa wadahadalo isaga quseeya  u dhaxeeyeen Gunners iyo Borussia Dortmund dhowr Isbuuc, iyadoo Arsenal ay 70 milyan oo ginni ay diyaar u tahay in ay markan kusoo xera galiso xiddigan.

Shabakadda Goal.com waxay fahamsantahay in xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon uu durbadiiba heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda ka dhisan waqooyiga London, isla markaana heshiiska uu gu soo wareegayo Arsenal lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

Weerar-yahankan ayaa dhaliyey 31gool oo horyaalka ah sanadkii dhamaaday, wuxuuna ka maqnaa labo kulan oo xariir ah Dortmund.

Si-kastaba, Aubameyang ayaa kusoo bilaawday kulankii Dortmund ay bar baraha la gashay Freiburg Sabtigi.

Aubameyang ayaa kula biiri doona Arsenal ciyaar-yahankii hore ee Dortmund Henrikh Mkhitaryan kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskii uu Alexis Sanchez ku aaday Manchester United.

Xilli ciyaareedkan, Aubameyang ayaa dhaliyey 21 gool 24 kulan uu ciyaaray dhamaan tartamada.

Wuxuu dhaliyey 141 gool tan iyo markii uu kaga soo biiray BVB Saint-Etienne isga oo markaa ku yimid adduun lacageed oo gaaray €13m bishii July 2013, sidaas oo kale 23 gool ayuu u dhaliyey 56 kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa Gabon.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan