Himilo – Arsenal ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay dhammeystirka heshiis ay kula soo wareegayso ciyaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain Layvin Kurzawa.
Inkasta oo kooxda heysato Kieran Tierney iyo Sead Kolasinac haddana Gunners ayaa si weyn loola xiriiriyay Kurzawa maalmihii ugu danbeeyay.
Iyada oo uu dhacayo qandaraaska uu kula joogo PSG xagaaga, 27 jirka ayaa awood u leh in uu wadahadallo la furo kooxo badan.
Sida laga soo xigtay France Football, wadahadalada ayaa dhaliyay natiijo wanaagsan iyada oo suuragal tahay in daafaca u wareego garoonka Emirates Stadium.
Kurzawa ayaa ku soo billowday toddobo kulan iyada oo beddal lagu soo geliyay shan jeer horyaalka Ligue 1 iyo Champions League xagaagan.
Arsenal ayaa la tilmaamayaa inay tartanka ciyaaryahanka ugu adkaatay kooxda Inter Milan.