Home / Cayaaro / Arsenal oo laga yaabo inay ceyriso Emery dhammaadka toddobaadkan

Arsenal oo laga yaabo inay ceyriso Emery dhammaadka toddobaadkan

Himilo- Unai Emery ayaa waayi doono booskiisa tababare haddii Arsenal ay ku guuldareysato inay badiso labadooda kulan ee soo aadan ee ay la ciyaarayaan Eintracht Frankfurt iyo Norwich City.

Gunners ayaan guul gaarin lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana barbaro 2-2 ah ay la galeen kooxda Southampton galabtii sabtida.

Emery wuxuu sii wadaa inuu taageeray madaxda Arsenal, laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph, mowqifka kooxda ayaa isbeddalaya dhammaadka  toddobaadkan.

Warbixinta ayaa sheegaysa haddii kooxda caasimadda ay ku guuldareysato inay ka badiso Frankfurt koobka Europa League iyo Norwich  ee Premier League labada kulan ee soo socota kaddib, ninka reer Spain ayaa laga xayuubin karaa shaqadiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan