Home / Cayaaro / Arsenal oo Liverpool kula biirtay tartanka loogu jira Piotr Zielinski

Arsenal oo Liverpool kula biirtay tartanka loogu jira Piotr Zielinski

Himilo FM –Kooxa Arsenal ayaa Liverpool kula biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Napoli Piotr Zielinski.

Zielinski ayaa muddo dheer lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo Liverpool, taasi oo la rumeysan yahay inay isku dayay inay la soo saxiixato  xiddiga reer Poland sannadkii 2016-kii ka hor inta uusan ku biirin Napoli oo uu kaga soo biiray Udinese.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Corriere del Mezzogiorno, Arsenal ayaa isha ku heysa 24 sanno jirkan oo ay dooneyso inay dalab ka gudbiso  marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Zielinski ayaa dhaliyay shan gool 34 kulan oo uu u saftay Napoli xilli ciyaareedkan iyadoo afar ka mid ah yihiin 25 kulan oo Serie A ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo xulka Poland u matalay dhacdada Koobka Adduunka 2018-kii ayaa qandaraaskiisa kooxda Naples uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-ka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan