Muqdisho – Kooxda Arsenal ayaa mar kale lagu celiyay natiijo lamid ah natijadii ay kala soo laabteen Allianz Arena.
Waxaana mar kale lagu soo suldaaray 5-1.
Bayer Munich ayaa markan goolasha ka kala heshay laacibiinta kala ah Arturo Vidal oo labo gool dhaliyay ciyaartan, Robert Lewandowski, Arjen Robben iyo Douglas Costa; halka goolka Arsenal-na uu dhaliyay Theo Walcott.
Ciayaartan waxaa sidaas oo kale calaamadda guduudan ka qaatay Laurent Koscielny kaas oo mashaqada ugu wayn ku abuuray Arsenal.
Wax-yaabihii laga bartay kulankaan.
Celcelis ahaan in 10-2 labada lugba looga soo gudbo koox English ah waa markii ugu horreysay oo ay dhacdo Champion League.
Kulankan waxa uu ahaa kulan qasaaradii ugu weyneyd ay Arsenal ku soo gaarto gurigeeda tan iyo November 1998 (5-0 kulankii Chelsea ee League Cup).
Bayern Munich ayaa sidaas oo kale ah kooxda dhalisa goolasha ugu badan ee tartanka waxaana jirta inay Sporting Lisbon celcelis ahaan kaga soo baxday (12-1; 2009).
Bayern Munich ayaa ka dhalisay 26 gool kulamadii ay kahor timid kooxda Arsenal kaliya waxaa ka badan Barcelona marka ay kahor tagto Celtic, Barcelona ayaana Celtic ka dhalisay 27 gool.
Arjen Rubben ayaa dhaliyay goolkiisii 29-aad ee Champions League isaga oo noqday xiddiga 2-aad ee Holland ugu goolasha badan oo kaliya ka danbeeya Van Nistaroy oo dhaliyay 56 gool.
Mudaharaadkii ka horreeyay kulanka ee taageerayaasha Arsenal sameeyeen ayaa saamayn weyn ku yeelatay Kulanka iyo Tababare Wenger.