Home / Cayaaro / Arsenal oo qandaraas labo sanno ah u bandhigeysa Willian

Arsenal oo qandaraas labo sanno ah u bandhigeysa Willian

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dalab ku aadan weeraryahanka Chelsea Willian oo ay siineyso qandaraas muddo labo sanno ah.

Qandaraaska cayaaryahanka reer Brazil ee Stamford Bridge ayaa ku eg dhammaadka bisha June. Willian ayaa goor sii horreysay sheegay in uu doonayo in uu ka sii cayaaro horyaalka Ingiriiska ha noqoto Chelsea ama koox kale, taasi oo keentay wararka ku saabsan in Tottenham Hotspur u dhaqaaqi karto.

Si kasta, sida laga soo xigtay TEAMtalk, Arsenal ayaa immika diyaarineysa qorshe fursad lagu siinayo cayaaryahanka Koonfurta Ameerika si uu qalinka ugu duugo heshiis labo sanno ah.

Lampard ayaa isku dayay in uu dhan cusub u jiheeyo Chelsea xagaagan isaga oo ku soo biiriyay safka hore cayaaryahanno cusub balse Willian ayaa keliya ka soo muuqday 37 kulan isaga oo dhaliyay toddobo gool islamarkaana caawiyay lix kale.

31 jirka ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Barcelona iyo Juventus.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan