Himilo FM –Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Luka Jovic.
Jovic ayaa Benfica kaga soo biiray Red Star Belgrade sannadkii 2016-kii laakiin waxa uu xilli ciyaareedkii ugu danbeeyay ammaah ku qaatay Eintracht Frankfurt Germany isagoo dhaliyay 30 gool 59 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Bundesliga.
Frankfurt ayaa lagu soo waramayaa inay aqbali doonaan heshiis ay kula saxiixanayaan 21 jirkan si uu kooxda si joogta ah ugu biiro xagaagan ka hor inta aysan faa’iido weyn ka helin.
Chelsea, Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhammaantood lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Serbia laakiin sida laga soo xigtay Marca tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa doonaya soo qaadashada xiddigan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Jovic oo qeyb ka ahaa xulkii Serbia ee ka qeybgalay koobka adduunka 2018 ayaa helay 21 gool 32 kulan oo uu u saftay Frankfurt ololahan 2018-19.
Bishii lasoo dhaafay, waxaa la sheegay in Barcelona ay heshiis horudhac ah oo ay kula soo saxiixaneyso xiddigan la gashay naadiga.
Maxamed Xasan “Owen”