Home / Cayaaro / Arsenal oo si lama filaan ah ugu dhaqaaqday Ivan Perisic

Arsenal oo si lama filaan ah ugu dhaqaaqday Ivan Perisic

Himilo FM –Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayday la soo wareegitaanka weeraryahanka Inter Milan Ivan Perisic.

Perisic, oo 29 sanno jir ah, ayaa qandaraas shan sanno ah u saxiixay Inter 2017, waxaana bilihii lasoo dhaafay si dhaw loola xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay BBC Sport, Arsenal ayaa heshiis amaah ku dooneysa xiddiga reer Croatia, taas oo ay ku jirto fursadda ah inay £ 35m ku iibsan karaan dhammaadka xilli ciyaareedka 2018-19.

Perisic ayaa dhaliyay seddex gool, shan goolna waa uu caawiyay 25 kulan oo uu u saftay Inter xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka biddix ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray guushii Croatia isaga oo gaarsiiyay xulkiisa finalkii Koobka Adduunka 2018.

Arsenal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga Barcelona Denis Suarez ama xiddiga Paris Saint-Germain Christopher Nkunku kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan