Home / Cayaaro / Arsenal oo u dhaqaaqday daafac ka ciyaara horyaalka La Liga

Arsenal oo u dhaqaaqday daafac ka ciyaara horyaalka La Liga

Himilo FM –Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uu daawaday Djene Dakonam dhammaadka isbuucii lasoo dhaafay iyadoo Gunners ay ka fiirsaneyso inay lasoo wareegto daafaca Getafe xagaagan.

Djene oo 27 jir ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Getafe xilli ciyaareedkan 2018-19, iyaga oo ku jira booska afaraad waxayna siddeed dhibic ka danbeeyaan Kooxda Real Madrid.

Ciyaaryahanka reer Togo ayaa la rumeysan yahay in heshiiskiisa haatan lagu burburin karo 31 milyan oo ginni, waxaana horay loo sheegay in Barcelona ay daawatay daafaca xilli ciyaareedkan..

Sida laga soo xigtay jariiradda AS, Arsenal ayaa xiiseyneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo Djene, iyadoo tababaraha kooxda Emery uu baaritaan shakhsi ah ku sameynayay daafaca intii uu socday kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhammaaday oo ay wada ciyaareen Valencia iyo Getafe..

Djene, oo kooxdiisa kaga soo biiray naadiga reer Belgium ee Sint-Truden xagaagii 2017, ayaa 26 kulan oo La Liga ah saftay xilli ciyaareedkan 2018-19.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan