Himilo FM –Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso David Alaba xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga, inkastoo Arsenal ay dooneyso inay la soo wareegto xiddiga reer Austria.
Alaba, oo sidoo kale lala xiriiriyay Real Madrid, ayaa laba gool dhaliyey, waxaana uu sidoo kale caawiyey labo gool 24 kulan oo Bundesliga uu saftay ololahan 2018-19.
Bayern ayaa durbadiiba xaqiijisay inay la saxiixatay Luca Hernandez kaasi oo hadda u ciyaara Atletico Madrid isaga oo imaanaya xilli ciyaareedka soo aadan, si kastaba ha ahaatee, The Independent ayaa sheegtay in Alaba laga yaabo in uu dhaqaaqo xagaagaan.
Horraantii bishan, 26 jirkan ayaa soo jeediyay in uu u furan yahay in uu u dhaqaaqo Arsenal.
Tan iyo markii uu ku biiray kooxda koowaad sannadkii 2010-kii, Alaba ayaa 335 kulan u saftay tartamada oo dhan Bayern isagoo kula guuleystay toddobo horyaal oo Bundesliga ah, seddex koob oo ah DFB-Pokal iyo hal Champions League.