Home / Cayaaro / Arsenal oo u dhaqaaqday da’yar katirsan kooxda PSG

Arsenal oo u dhaqaaqday da’yar katirsan kooxda PSG

Himilo FM –Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay lasoo saxiixato da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Christopher Nkunku dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay dooneysay in PSG  kala soo  wareegaan si ammaah bishii Janaayo balse ay ku guuldareysatay.

Nkunku ayaa kusoo billowday 13 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan kooxda uu hoggaamiyo  Thomas Tuchel.

Warbixintan ayaa muujineysa in Arsenal ay xiddigan kusoo qaadanayaan qiimo gaarsiisan £ 17.2m

Wadahadalada u dhaxeeya labada kooxood ayaa la sheegayaa inay yihiin qaab muuqaal ah iyada oo Unai Emery uusan weli hubin miisaaniyadiisa kooxda ee xagga suuqa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan