Home / Cayaaro / Arsenal oo u dhaqaaqday weeraryahanka Milan Suso

Arsenal oo u dhaqaaqday weeraryahanka Milan Suso

Himilo FM –Weeraryahanka AC Milan Suso ayaa si dhaw loola xiriirinayay Arsenal ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Arsenal ayaa wali raadineysa weeraryahanka AC Milan Suso iyadoo isha ku heysa inay xagaaga lasoo wareegto.

Gunners ayaa la rumeysan yahay inay diiradda saareyso suuqa Talyaaniga ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga iyaga oo sidoo kale ka fiirsanaya xiddiga khadka dhexe Cagliari Nicolo Barella.

La Gazzetta dello Sport ayaa ku warameysa in kooxda Arsenal ay kormeerayaal u dirtay kulankii Milan ay 2-1 kaga badiyeen Chievo sabtidii, Suso ayaa ciyaaray 84 daqiiqo ka hor inta aanan garoonka laga saarin.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa muujineysa in 25 jirkan oo ku guuldareystay in uu bandhig sarre ku miujiyo Liverpool billowgii xirfaddiisa ayaa ah dooqa koowaad ee dhinaca weerarka ee tababare Unai Emery.

Suso ayaa 42 gool u dhaliyay Milan seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay, shan gool iyo siddeed caawin ayuu sameeyay xilli ciyaareedkan, Rossoneri ayaana dooneysa inay sii haysato xiddigaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan