Home / Cayaaro / Arsenal oo u dhaqaaqeysa daafaca Shakhtar Donetsk ee Matviyenko

Arsenal oo u dhaqaaqeysa daafaca Shakhtar Donetsk ee Matviyenko

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay daneynayso daafaca kooxda Shakhtar Donetsk Mykola Matviyenko.

Iyada oo uu ka dhaawacan yahay Calum Chambers, Gunners ayaa dooneysa inay xoojiso daafaceeda kahor dhammaadka suuq furanka bishan.

Inkasta oo aysan war rasmi ah soo saarin kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska haddana wakiilka daafaca Yuriy Danchenko ayaa tilmaamay in ciyaaryahanka uu tagi karo garoonka Emirates Stadium.

Isaga oo saxafiyiinta la hadlayay, Danchenko ayaa xusay in isaga iyo cayaaryahanka ay xiriir la sameeyeen wakiillo ka socday Arsenal.

Waxa uu intaa raaciyay “ Gunners way la soo xiriirtay Shakhtar, waxaan rajeynaynaa in wadahadallada guuleystaan.”

23 jirka ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Man City xilligii uu ka shaqeynayay Arteta oo immika hoggaamiya Arsenal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan