Home / Cayaaro / Arsenal oo u dhaqaaqi karta Thiago Alcantara

Arsenal oo u dhaqaaqi karta Thiago Alcantara

Himilo – Arsenal ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa cayaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcantara inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Iyada oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay wax ka yar sannad, Thiago ayaa diyaar u ah in uu ka tago Allianz Arena isaga oo u wareegaya horyaalka Ingiriiska.

Illaa iyo immika, Liverpool wali ma aysan kula heshiin Bayern qiimaha laacibka.

29 jirka Thiago Alcantara ayaa mar kale noqday cayaaryahan muhiim u ah kooxda Jarmalka ah xilli cayaareedkan isaga oo ka soo muuqday 36 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Bayern aya la soo warinayaa inay cayaaryahanka ku dooneyso adduun dhan €35m (£31.6m).

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan