Muqdisho – Arsenal ayaa xaqiijisay inay bisha July ciyaar saaxiibtinimo la dheeli doonto kooxda Bayern Munich.
Kooxda Gunners-ka ayaa kulan saaxiibtinimo kula ciyaari doontaa dhiggeeda Munich magaalada Shanghai bisha July 19 kahor intaysan Chelsea kula ciyaarin garoonka Beijing’s Bird’s Nest Stadium.
Celceliska goolashii ay Munich ku xaaqday Arsenal wali waa mid mahadho ku ah taageerayaal badan. Labadii lugba waxay kusoo dhamaadeen min 5-1. Sidoo kale guul-darran oo kaliya waxay Bayern Munich ku dhigtay Arsenal xilli-ciyaareedkii 2015-ka.
Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadana isku duwaha howlaha naadiga Ivan Gazidis, wuxuu qabaa inay dib isku arkaan labada kooxood.
“Waxay sumad gaar ah ciyaartaas u noqoneysaa taageerayaasheenna Shiinaha ku nool,” ayuu yiri Ivan Gazidis.
“Waxaan gudaha Shiinaha ku leennahay taageerayaal xul ah, labada ciyaar oo aan ku dheeli doonno halkaas waxay xiiso u yeeli doontaa dhismaha diyaar-garoobid ee xagaaga cusub.”