Home / Cayaaro / Arsenal oo xiriir la sameysay AC Milan

Arsenal oo xiriir la sameysay AC Milan

Himilo FM –Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uusan ku qanacsaneyn goolhaye Bernd Leno, waxaana uu doonayaa inuu Gianluigi Donnarumma ka keeno kooxda AC Milan.

Leno ayaa ugu biiray Gunners £ 19.3m xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore ahaa mid aan si joogta ah ugu ciyaarin Emirates Stadium tan iyo markaas waxa  uu kala baxay booska Petr Cech si uu u noqdo xulashada koowaad.

Tuttomercatoweb ayaa sheegeysa in Cech uu qirtay xagaagan in uu baxayo, waxaana  su’aal  la galinyaa wali awooda Leno, Emery ayaa ka dalbaday madaxda Arsenal  inay heshiis la gaaraan Milan si ay Donnarumma u helaan.

Warbixinta waxay cadeyneysa in 20 jirkan ay Rossoneri  iibin karto si ay u meel mariyaan sharciga  loo yaqaan ‘Financial Fair Play’ ka dib markii ay  seegeen Champions League.

Arsenal ayaa 51 gool laga dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore waxaana ay heystaan siddeed kulan oo shabaq ilaashi ah .

20 jirka Donnarumma ayaa  u saftay 164 kulan oo Rossoneri ah,mana uusan seegin hal kulan oo Serie A ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2015/16.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan