Home / Cayaaro / Arsenal oo xiriir la sameysay Moussa Dembele

Arsenal oo xiriir la sameysay Moussa Dembele

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay weeraryahanka Lyon Moussa Dembele si looga saxiixo heshiis xagaaga.

23 jirka ayaa lala xiriiriyay kooxo badan oo Yurub ah kaddib markii uu sameeyay bandhig wanaagsan xilli Manchester United, Chelsea iyo Liverpool xiiseynayaan laacibka.

Arsenal ayaa ku qasban inay iibiso kabtanka kooxda Pierre-Emerick Aubameyang haddii uusan cayaaryahanka reer Gabon qalinka ku duugin heshiis cusub.

Gunners ayaa muujisay xiisaha ay u qabto Dembele xilli su’aalo badan ka taagan yihiin mustaqbalka Aubameyang.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda tababare Mikel Arteta ayaa xiriir la sameysay wakiillada cayaaryahanka.

Dembele ayaa dhaliyay 22 gool dhammaan tartamada oo idil xilli cayaareedka 2019-20.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan