Home / Cayaaro / Arsenal oo xoojineysa wadahadallada qandaraaska cusub ee Bukayo Saka

Arsenal oo xoojineysa wadahadallada qandaraaska cusub ee Bukayo Saka

Himilo – Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xoojineyso wadahadallada ay kula jirto Bukayo Saka ee ku saabsan heshiis cusub kaddib markii kooxo badan oo ka cayaara horyaalka Ingiriiska muujiyeen xiisaha ay u qabaan laacibka da’da yar.

Saka ayaa sameeyay bandhig wanaagsan tan iyo markii uu Arsenal yimid tababare Mikel Arteta bishii December isaga oo illaa iyo immika caawiyay siddeed gool.

Qandaraaska cayaaryahanka 18 jirka ah ayaa waxaa ka haray muddo 18 billood ah. Si kasta, Arsenal ayaa dooneysa inay heysato da’yarka iyada oo ka saxiixaysa qandaraas cusub.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Mirror, Liverpool iyo Manchester United ayaa qiimeynaya xaaladda xilli Bayern Munich ay sameyn karto dadaal ay ugu dhaqaaqayso Bukayo Saka.

Madaxa howlgalada Arsenal Huss Fahmy ayaa la tilmaamayaa in uu hoggaaminayo wadahadallada iyada oo Arsenal kalsooni badan ka qabta in cayaaryahanka laga saxiixo heshiis cusub.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan